Sheeko!
Welcome, Guest
Please Login or Register.    Lost Password?
Re:Maah Maahyo Soomaali Ah (1 viewing) (1) Guest
Go to bottom Post Reply Favoured: 0
TOPIC: Re:Maah Maahyo Soomaali Ah

#8
Faiza ()
User Offline Click here to see the profile of this user
Maah Maahyo Soomaali Ah 1 Year, 10 Months ago  
401 Ninna caadadii ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.

402 Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn

403 Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa ( woqooyi)

404 Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto

405 Qofba untuu cunuu ciidamiyaa

406 Qosol hiil leh.

407 Qosol qoonsimaad noqay.

408 Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.

409 Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.

410 Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.

411 Raad arrooryo dib looma raaco.

412 Rag jidiin baa walaaleeya.

413 Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.

414 Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi

415 Rag waa shaah dumarna waa sheeko

416 Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.

417 Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.

418 Reer ba'ow yaa ku leh!

419 Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.

420 Reer, naagbaa kaa raacda.

421 Reerka meelan loo hubsan looma haatiyo.

422 Runi rag kama nixiso

423 ---------------------!

424 Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.

425 Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe

426 Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.

427 Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar,---

428 Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.

429 Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og,--

430 Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.

431 Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.

432 Saddex: Warsangeli ninkay xamanayaan dila, Majeerteen ninkay ku urursanyahay dila, Dhulbahantana ugu tegi maysaan.

433 Safar waa si wada yeel.

434 Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa

435 Sagaaro inteeda waa ku duq.

436 Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh

437 Sagaaro, mindhaa ima barato.

438 Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.

439 Salaadba waqtigeedaa la tukadaa

440 Samraa, sammo hela. Samraa, sad hela.

441 Seedi waa beer

442 Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.

443 Shan shidda ma macaysaa.

444 Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.

445 Shir looma wada uunsiyo

446 Shir naagood oo shan dhaafay waa shar

447 Shisheeye sheela duxa ma leh.

448 Shubaali waa biyo la bax.

449 Sidee xeedho lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan

450 Sir naagood lagama sal gaaro

451 Socdaal waa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.

452 Soo joogso nin laga waayey, soo jiifsaa laga helaa.

453 Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.

454 Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago.

455 Tabcadaa ma tuugoobo.

456 Toban jir ogaadeen waa llom taliyaan.

457 ================.

458 Tol la'aani waa tows.

459 Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.

460 Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.

461 Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.

462 Tuhun waa sed.

463 tuug la qabtay talo ma laha.

464 Tuug lama xado.

465 //////////////.

466 Ul jiiftaa ma jabto.

467 Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.

468 Waad baahan tahay looma bakhti cuno

469 Waa qaan marreexaan waa qaaxo kugu maqan.

470 Waari mayside war hakaa hadho.

471 Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.

472 Wadaad jiilaal jooga injir lagama qabto

473 Wadaad waa nin

474 Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.

475 Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.

476 Wadar iyo waaxid yaa waalan

477 Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa

478 Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).

479 Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa hays ku ceebayn.

480 Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan

481 War jiraaba cakaaruu iman.

482 War la helaaba, talo helaa

483 Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.

484 Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.

485 Warsangeli wax noolba cun oo awrkii cirkana cid u diray

486 Warsangeliguna wuxuu cuntada u cunaa cunta danbe arki maysid

487 Wax aad baratay waa baaskaa

488 Wax aqoon wax looma sheego.

489 Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.

490 Wax la qarshaa ama qudhme ama qubte

491 Wax rag kaa galay rako kaa gale.

492 Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.

493 Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.

494 Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.

495 Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan

496 Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu shareerraa.

497 Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa

498 Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.

499 Xadhko geel ma wada xidhaan.

500 Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan

501 Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude

502 Xarrago dumar xanuun ma leh

503 Xiiso iyo xoorba way dhacaan.

504 Xog mooge xaajo waa dilaa.

505 Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.

506 Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.

507 Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa

508 Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola

509 Yaraan waa ciil laga koray.
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
#93
Re:Maah Maahyo Soomaali Ah 1 Year ago  
rrmarka sanadkaani joogan lama amin karo waayo hadii aan sir qado hadalka waxay iila siman yihiin murug iyo dhibaatiuo sakaar iyo ben ayay waqtigooda kulumiyeyn mana faa iido amaleh
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
#111
Re:Maah Maahyo Soomaali Ah 9 Months, 3 Weeks ago  
lUv it
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
Go to top Post Reply
get the latest posts directly to your desktop