|
|
|
Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 5aad 1 Year, 10 Months ago
|
|
|
Aqbaartaan markii ay gaartay Yoonis aad buu uga naxay, waxayna ku noqotay falaar lagu ganay wadnahiisa, wuxuu aamini waayay waxa ay indhihiisu qabteen, dhowr jeer ayuu ku celiyay aqriska aqbaarta, waxaa ka soo burqaday dhidid waa weyn, waxay la noqotay in buur lagu daayay, waxaa u bilaabatay wal wal iyo walaahow.
“Alla naf wax jecel dhibaatadeedu badanaa.” Wuxuu la soo baxay mobilekiisii dabadeedna wacay numberkii Yaxye, muda ayuu kala sheekaysanayay arinta Yaasmiin, yaxayana wuxuu ugu sir baxay si daacadnimo ah oo aan aheyn isku diraanimo, markii ay sheekada u dhamaatay ayuu Yoonis yiri saxiib waad mahadsantahay anigaa mar kale ku soo wacayo, wuxuu xajinwaysnaa mobileka, waad dareemi kartaa xanuunka uu mudan karo qof xaaskiisa looga soo sheegay wax aan xil laheyn, wal walka iyo walaacana waxay ahaayeen kuwa durbadiiba laga dhayalsan karo wajiga Yoonis, wuxuu bilaabay inuu kaligii isla hadlo, cunadii iyo cabitaankii ayuu ka go’ay, hurdadii ayaa ka soo dhici waysay, waxaa cariiri ku noqotay dunidii oo idil, maalmo markii uu ku jiray dhibaatadaan ayaa waxaa fahmay walaalkii oo ay isku qol seexan jireen, wuxuu waydiiyay isbedelka ku yimid iyo meesha laga haleelay, asagana wuxuu u sheegay arintan, Yoonis waxaa la siiyay talo wacan, wuxuu u sheegay in dunidan wax kasto la arko, arintaanna looga horeeyay oo ay qabsatay rag badan oo asaga ka horeeyay, wuxuu ku dhiiri galiyay inuu ad adeeg iyo xilkasnimo muujiyo, wuxuu ku adkeeyay walaalkii inuu aado Addis Ababa si uu indhihiisa wax ugu arka inta ka horeysana uu muujiyo farxad iyo degenaan.
Waxay aheyd xili habeennimo ah, Yaasir wuxuu ka yimid daawashada cayaar kubada cagta ah, aad ayuu u faraxsanaa waayoo waxaa guulaysatay habeenkaa kooxda uu taageero, markii uu soo galay albaabka ayay inta ka hortagtay ku tiri, gacaliye waan ku sugayaa ee so ii imaan maysid, haa ayuu yiri daqiiqada kadibna wuxuu ugu soo galay qolkeeda, waxaa u furmay sheego, waxay u sheegtay inay caawa oo dhan ay u soo jeeday awgiis, waxay u keentay casho iyo caano heersare ah, wuxuu isku dhuftay alaabihii loo keenay, habeenkaa wuxuu ahaa habeenkii ayaan darada Yaasmiin, waxay ka talaabeen xuduudkii, mar dambe ayay soo baraarugtay waxayna bilaawday inay iska ilmayso, ayada oo calaacalaysana waxay tiri, “ Yaasir maxaad ka wadaa saan, aniga waan isku kaa aaminay, waxaan midigtaada galiyay naftayda, ma waxaad dooneysaa inaad aniga I fadeexayso, soo ma ogid inaan nin dhan ooridii ahay, hada maxaan sameynaa hadii aan uur yeesho, iska bax dantii aad laheyd waad gaartay kaama filayn sidaan, kaama filayn sidaan, ma u maleynin inaad sidaan sahlan iigu fududaaneyso.
”Sidii roob oo kale ayay ilintu uga daadaneysay, dhabanadeeda oo dhan waxaa qooyay ilmada, maxay oohin iyo cataw soo celinayaan mar hadii uu goolkii shabaqa ku xarooday, hore ayuu abwaan u yiri, “Mataqaano dawgoo, daboolbaa ka saarane, markay dalaqtiraabey ilamada daadisaayee, doqoneey dabkaa ba’.
”Alla yaa u sheego Yaasmiin in uu aqbalkii dhacay oo ay ku soo fool leedahay fadeexad iyo foolxumo, Yaasir oo qalbiga u dajinaya Yaasmiin wuxuu yiri;
“Macaanto waan kaa raali galinayaa wax kasta oo aad dhib u aragto, ma garanayo waxa aan sameeyay ilaa hada, wax walba waxaa iga keenay gacaliso waa jaceylkaaga, ha iga fahmin qalad, ma ahi ruux adiga cadaw kuu ah, dhibkaaga waa dhibkayga, hana iga dhigin qof kaligii wax qasbaday, ma garanayo sida ay maskaxdeeydu aheyd, aniga si dhab ah ayaan kuu jeclahay, kaftan iyo beenna igama aha, aniga oo ka war qaba in lagu qabo ayaan hadana ku jeclahay.
”Wuxuu iska keenay ilmo been been ah, fiq fiq fiq matalaad ah ayuu horteeda ku sameeyay.
Yaasmiin inta soo hinqatay oo ilintii ka tirtay ayay tiri gacaliye macna malaha wax dhib ah ma dhici doonaan, “!!!Alla dumarku qalbi jilicsanaa, raguna qiyaameyn ogaa. !!! Soo bari gacaliye iyo gacaliso ayaa lagu kala seexday ayada oo la isku faraxsanyahay.
Yoonis asaga oo arinta sal iyo baar ula socdo ayuu wuxuu ula hadlayay sidii qof war moog ah oo aan waxba la socon, waxaa la gaaray xiligii fasaxa, Yoonis wuxuu xaaskiisa telfoonka uga sheegay inuu imaan doono xili dhaw, maadama uu waqtigu dheeraaday mudana ayan is arag, wuxuu u sheegay inuu aad ugu xiisay, waxay si wacan ugu diyaar garawday imaashiyaha saygeeda, waxay diyaar gareysay oodkac iyo macmacaan kale, uma xumayn marwo uu ninkeedu u soo socdo, wax ay saacaduhu is guraanba, Yoonis wuxuu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Bole, waxaa eeraboorka si gooni gooni ah ugu soo dhaweeyay Yaasmiin iyo qaarka mid ah saxiibadiis, soo dhaweyn diiran kadib, Yaasmiin waxay ku aragtay ninkeeda dhaqan aysan hore uga baran oo ah inuu markii uu afka cunnada ka qaadaba uu magaaladiisa galo, habeenkii wuxu imaadaa xili dambe, maalintiina waxaa lagu diimaa aragiisa, markii ay waydiisay waxa u diidan inuu harsado gurigiisa, wuxuu ugu jawaabayay, macaanto aniga iyo adiga waan isku dambeyn doonaa, waxaa igu dhagan magaaladii oo dhan.
|
|
|
|
Logged
|
|
|
The administrator has disabled public write access.
|
|
|
|
Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 5aad 1 Year ago
|
|
Fardous wrote:
QUOTE: Aqbaartaan markii ay gaartay Yoonis aad buu uga naxay, waxayna ku noqotay falaar lagu ganay wadnahiisa, wuxuu aamini waayay waxa ay indhihiisu qabteen, dhowr jeer ayuu ku celiyay aqriska aqbaarta, waxaa ka soo burqaday dhidid waa weyn, waxay la noqotay in buur lagu daayay, waxaa u bilaabatay wal wal iyo walaahow.