Sheeko!
Welcome, Guest
Please Login or Register.    Lost Password?
Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 2aad (1 viewing) (1) Guest
Go to bottom Post Reply Favoured: 0
TOPIC: Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 2aad

#5
Faiza ()
User Offline Click here to see the profile of this user
Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 2aad 1 Year, 10 Months ago  
Habeennimadii ayuu Gacaladiisa u sharaxay arinta,dabadeedna waydiiyay sida ay u aragto hadii uu isaga tago magaalada, waxay u sheegtay inay aad ugu faraxsantahay sababtoo ah Soomaalida inteeda badan waxay aaminsanyihiin in furaha hormarka dunida aytahay in loo baqoolo Yurub iyo Stateka, waxay ku dheeraatay ka hadlida walwalka iyo walaaca ay ku sugantahay xiliyada uu shaqada ku maqanyahay, waxay tiri ayada oo hadalka sii ambaqaadeysa “ Mar kasta oo aan idaacadaha ka maqlo in dad lagu dilay magaalada waxaan u qaataa inaad adigu ka midtahay, kolkaabaan si halhaleel ah u soo garaacaa telfoon gacmeedkaada, hadana markii aan xaqiiqsado inaad nabad qabto ayay laabtu ii qabowdaa, aad ayaan u jeclahay weheshigaada iyo la joogitaankaaga, maxaa yeelay waxaad tahay indhaheyga nuurkooda, inta aad shaqada ku maqantahay waxaan kuu tabaa si xad-dhaaf ah, daqiiqadahana waxay ila noqdaan saacado oo kale, aniga oo sidan kuu jecel ayaan hadana waxaan doorbidayaa inaad iga dheeraato intii aan arki lahaa adiga oo afduub ama dil laguu geestay.”

Aad ayuu ugu farxay sida ay ula hadashay Xaaskiisa, asaga oo ka jawaab celinayana wuxuu yiri “ macaanto waan ogsoonahay Jaceylka aad aniga ii qabto waana waxa aan labadeenu isku dooranay, ogow wax kasta waxaa igala qiima badan aragtida aan arkayo muuqaaga iskaba daa wax kale, waxaad tahay dawadii naftayda, hadii aan ku waayana ma garanayo sida aan ugu sii dul noolaan karo dunidan guudkeeda, waxaan mahad balaaran u celinayaa xakiimkii xillo iiga kaa dhi*** misna iga kaa siiyay ubaxyadan udgoonka badan, xusuusnow Gacaliso in wax kastoon sameynayo aan u sameynayo Jaceylkeena awgii, hadii aan kaa dheeraadana macnaheeda ma aha inaan ka fogaaday jaceylkeena, sababtoo ah waxaad igu talaashay xusuus aan xilina go’ayn, waxaad aniga iga taagantahay halka uu wadnuhu ka taaganyahay Jirkeyga, ma hayo wax aan kugu mataalo ama kula meel dhiga, waxaan ku leeyahay sida uu Xasanba ugu heesay “Gacalooy oorideydaay guurkeenu ha raago Guurkeenu ha raago.”

Habeenkaa aad ayaa la isugu fardabaxay waxaana laga wada munaaqashooday arintan iyo inta ay la egtahay jaceylka iyo kalsoonida ay isku qabaan.

Maalmo gudohood ayaa Yoonis lacagtii safarka iyo shopping-ka loogu soo diray, waxay u sheegeen inuu is keeno Nairobi, halkaa oo uu ka sii kaxayndoono nin muqalas ah, markii uu gacanta ku dhi*** lacagtii ayuu wuxuu aaday mid ka mid ah shirkadaha duulimaadyada, waxaa loo shee*** in flightka ugu horeeyo ee Kenya uu noqondoono sadax maalmood kadib, wuxuu iska sii shubay lacagtii tikidka, maalintii bixitinkiisa ka horeysay ayay isaga iyo qoyskiisa soo sameysteen shopping, wuxuu xaaska iyo caruurta u iibiyay dhar noocii ugu dambeeyay, wuxuu Yaasmiin u waday Suuqa Dahablaha ugana soo gaday Dahab kii ugu kuwaalatiga fiicnaa, ugu dambeyn waxay Suuqa Bakaaraha ka soo dhamaadeen xili casir liiq ah, markii uu guriga keenay ayuu horey ka laabtay una shee*** inuu aadayo macsalaamays, lagana yaabo in uu soo daaho asxaabta oo faraha ka badan awgeed, wuxuu cagta isu mariyay xaafada kala duwan, ugu dambeyn wuxuu aqalkiisa dib ugu soo laabtay shantii habeennimo, waxaa ka muuqday daal iyo rafaad sidaa daraadeed gacalisadiisa ayaa suuliga u sii geysay biyo qandac ah oo ay hore ugu diyaargareysay, intii uu musqusha ku jiray ayay waxay miiska cunada ku soo camirtay casho u muuqatay sagootis, markii uu suuliga ka soo baxay ayay wada cuneen cashadii, habeenkaan wuxuu ahaa habeen mudnaan gaar ah u leh labadooda, waxaana la isu sagootiyay sidi inaan waligeed la is arki doonin, waxay si macaan ugu dul dakeeyeen xidigaha dushooda, hadal iyo dhamaantii habeenkaan wuxuu ahaa habeen ku weyn oo aan si sahal ah uga go’ayn quluubta mucaashaqiintan isu xalaasha ah.

Waagii markuu iftiimay ayay Yaasmiin u kacday si ay dhaqsi ugu diyaariso quraacdii ugu dambeysay, kadib markii ay wada qaateen quracdii ayay u soo wada dhaqaajiyeen dhanka garoonka nambar konton, waxaa la socday qaar ka mid ah asxaabta iyo qaraabada dhaw, mudo markii ay ku sugnaayeen Garoonka ayaa waxaa soo caga dhigatay Diyaaradii qaadi laheyd Yoonis, wuxuu gudagalay inuu marxabeeyn iyo xabadsaar isugu daro dadkii soo sagootiyay, mid mid ayuu ula kaftamayay, waxaa wajigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola cadayn dheeraad ah, waxaa markii dambe isu soo haray labada is qaba, wuxuu si kaftan ah u dhahay, waxaan u maleynayaa inaan sagootiskii xalay dhameysanay, iyadana waxay ugu jawaabtay hadii aan biisanana waxba kuma jabna, intaa kadib waa la isku soo booday wajigana la iska dhunkaday, mudo markii la isku dhaganaa ayuu Yoonis la soo booday Tixdan:

Marwadaan jeclaayey

Muran li’i waxaadtahay

Midi haweenkoo

Muunadaba ideelkeed

Mulki looga yeelay..

Midibkii cadceedoo

Maalin horleh sheegtaad

Metaalkeeda leedoo

Midaan kula simaayana

Muqdishaba ma soo marin…

Mataantii naftaydaay

Macaankii nolashaay

Musbaax ii iftiintoo

Mugdi aan laheyneey

Macsalaama maalin wacan

Markii ay afkiisa ka sii dhamaaneysay ayay

Waxay si degen oo naxariisi ku larantahay u tiri;

Maankaa ku doortoo

Malabkii shinidiyo

Macaan kuu yaqaanoo

Maalintiyo habeenkaba

Muuqaaga raadsho….

Maxabadii wacneydiyo

Meherkiyo weheshigeenii

Ma huraanka caashaqa

Marna sahlan maayee

Mudanoow xusuusnow..

Mowlihii aduunkoo

Maqluuqana sameeyoo

Miduu doono fuliyaan

Magantaad yeelee

Macsalaama meel wacan

Wuxuu gudaha u galay diyaaradii, markii ay diyaaradii cagaha ka qaaday dhulka ayay Yaasmiin iyo asxaabtii sagootiska isaga soo dhaqaajiyeen garoonka, waqti fiican ayuu ku dulqaatay diyaarada dusheeda wayoo waxay aheyd markii ugu horeysay ee uu ku safro diyaarad, wax saacaduhu is guraanba waxaa uu si nabad ah uga

de*** garoonka caalamig ah ee Jomo Kenyata, shaqadii ugu horeysay ee uu qabto waxa aheyd soo wicitaanka xaaskiisa, mudo laba bilood ah ayuu joo*** Nairobi.

lasoco Q.3aad hadii alle idmo
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
#102
Re:Yurub baan jiree yaa uurka kuu yeeley? 2aad 11 Months, 3 Weeks ago  
Fardous wrote:
QUOTE:
Habeennimadii ayuu Gacaladiisa u sharaxay arinta,dabasdeedna waydiiyay sida ay u aragto hadii uu isaga tago magaalada, waxay u sheegtay inay aad ugu faraxsantahay sababtoo ah Soomaalida inteeda badan waxay aaminsanyihiin in furaha hormarka dunida aytahay in loo baqoolo Yurub iyo Stateka, waxay ku dheeraatay ka hadlida walwalka iyo walaaca ay ku sugantahay xiliyada uu shaqada ku maqanyahay, waxay tiri ayada oo hadalka sii ambaqaadeysa “ Mar kasta oo aan idaacadaha ka maqlo in dad lagu dilay magaalada waxaan u qaataa inaad adigu ka midtahay, kolkaabaan si halhaleel ah u soo garaacaa telfoon gacmeedkaada, hadana markii aan xaqiiqsado inaad nabad qabto ayay laabtu ii qabowdaa, aad ayaan u jeclahay weheshigaada iyo la joogitaankaaga, maxaa yeelay waxaad tahay indhaheyga nuurkooda, inta aad shaqada ku maqantahay waxaan kuu tabaa si xad-dhaaf ah, daqiiqadahana waxay ila noqdaan saacado oo kale, aniga oo sidan kuu jecel ayaan hadana waxaan doorbidayaa inaad iga dheeraato intii aan arki lahaa adiga oo afduub ama dil laguu geestay.”

Aad ayuu ugu farxay sida ay ula hadashay Xaaskiisa, asaga oo ka jawaab celinayana wuxuu yiri “ macaanto waan ogsoonahay Jaceylka aad aniga ii qabto waana waxa aan labadeenu isku dooranay, ogow wax kasta waxaa igala qiima badan aragtida aan arkayo muuqaaga iskaba daa wax kale, waxaad tahay dawadii naftayda, hadii aan ku waayana ma garanayo sida aan ugu sii dul noolaan karo dunidan guudkeeda, waxaan mahad balaaran u celinayaa xakiimkii xillo iiga kaa dhi*** misna iga kaa siiyay ubaxyadan udgoonka badan, xusuusnow Gacaliso in wax kastoon sameynayo aan u sameynayo Jaceylkeena awgii, hadii aan kaa dheeraadana macnaheeda ma aha inaan ka fogaaday jaceylkeena, sababtoo ah waxaad igu talaashay xusuus aan xilina go’ayn, waxaad aniga iga taagantahay halka uu wadnuhu ka taaganyahay Jirkeyga, ma hayo wax aan kugu mataalo ama kula meel dhiga, waxaan ku leeyahay sida uu Xasanba ugu heesay “Gacalooy oorideydaay guurkeenu ha raago Guurkeenu ha raago.”

Habeenkaa aad ayaa la isugu fardabaxay waxaana laga wada munaaqashooday arintan iyo inta ay la egtahay jaceylka iyo kalsoonida ay isku qabaan.

Maalmo gudohood ayaa Yoonis lacagtii safarka iyo shopping-ka loogu soo diray, waxay u sheegeen inuu is keeno Nairobi, halkaa oo uu ka sii kaxayndoono nin muqalas ah, markii uu gacanta ku dhi*** lacagtii ayuu wuxuu aaday mid ka mid ah shirkadaha duulimaadyada, waxaa loo shee*** in flightka ugu horeeyo ee Kenya uu noqondoono sadax maalmood kadib, wuxuu iska sii shubay lacagtii tikidka, maalintii bixitinkiisa ka horeysay ayay isaga iyo qoyskiisa soo sameysteen shopping, wuxuu xaaska iyo caruurta u iibiyay dhar noocii ugu dambeeyay, wuxuu Yaasmiin u waday Suuqa Dahablaha ugana soo gaday Dahab kii ugu kuwaalatiga fiicnaa, ugu dambeyn waxay Suuqa Bakaaraha ka soo dhamaadeen xili casir liiq ah, markii uu guriga keenay ayuu horey ka laabtay una shee*** inuu aadayo macsalaamays, lagana yaabo in uu soo daaho asxaabta oo faraha ka badan awgeed, wuxuu cagta isu mariyay xaafada kala duwan, ugu dambeyn wuxuu aqalkiisa dib ugu soo laabtay shantii habeennimo, waxaa ka muuqday daal iyo rafaad sidaa daraadeed gacalisadiisa ayaa suuliga u sii geysay biyo qandac ah oo ay hore ugu diyaargareysay, intii uu musqusha ku jiray ayay waxay miiska cunada ku soo camirtay casho u muuqatay sagootis, markii uu suuliga ka soo baxay ayay wada cuneen cashadii, habeenkaan wuxuu ahaa habeen mudnaan gaar ah u leh labadooda, waxaana la isu sagootiyay sidi inaan waligeed la is arki doonin, waxay si macaan ugu dul dakeeyeen xidigaha dushooda, hadal iyo dhamaantii habeenkaan wuxuu ahaa habeen ku weyn oo aan si sahal ah uga go’ayn quluubta mucaashaqiintan isu xalaasha ah.

Waagii markuu iftiimay ayay Yaasmiin u kacday si ay dhaqsi ugu diyaariso quraacdii ugu dambeysay, kadib markii ay wada qaateen quracdii ayay u soo wada dhaqaajiyeen dhanka garoonka nambar konton, waxaa la socday qaar ka mid ah asxaabta iyo qaraabada dhaw, mudo markii ay ku sugnaayeen Garoonka ayaa waxaa soo caga dhigatay Diyaaradii qaadi laheyd Yoonis, wuxuu gudagalay inuu marxabeeyn iyo xabadsaar isugu daro dadkii soo sagootiyay, mid mid ayuu ula kaftamayay, waxaa wajigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola cadayn dheeraad ah, waxaa markii dambe isu soo haray labada is qaba, wuxuu si kaftan ah u dhahay, waxaan u maleynayaa inaan sagootiskii xalay dhameysanay, iyadana waxay ugu jawaabtay hadii aan biisanana waxba kuma jabna, intaa kadib waa la isku soo booday wajigana la iska dhunkaday, mudo markii la isku dhaganaa ayuu Yoonis la soo booday Tixdan:

Marwadaan jeclaayey

Muran li’i waxaadtahay

Midi haweenkoo

Muunadaba ideelkeed

Mulki looga yeelay..

Midibkii cadceedoo

Maalin horleh sheegtaad

Metaalkeeda leedoo

Midaan kula simaayana

Muqdishaba ma soo marin…

Mataantii naftaydaay

Macaankii nolashaay

Musbaax ii iftiintoo

Mugdi aan laheyneey

Macsalaama maalin wacan

Markii ay afkiisa ka sii dhamaaneysay ayay

Waxay si degen oo naxariisi ku larantahay u tiri;

Maankaa ku doortoo

Malabkii shinidiyo

Macaan kuu yaqaanoo

Maalintiyo habeenkaba

Muuqaaga raadsho….

Maxabadii wacneydiyo

Meherkiyo weheshigeenii

Ma huraanka caashaqa

Marna sahlan maayee

Mudanoow xusuusnow..

Mowlihii aduunkoo

Maqluuqana sameeyoo

Miduu doono fuliyaan

Magantaad yeelee

Macsalaama meel wacan

Wuxuu gudaha u galay diyaaradii, markii ay diyaaradii cagaha ka qaaday dhulka ayay Yaasmiin iyo asxaabtii sagootiska isaga soo dhaqaajiyeen garoonka, waqti fiican ayuu ku dulqaatay diyaarada dusheeda wayoo waxay aheyd markii ugu horeysay ee uu ku safro diyaarad, wax saacaduhu is guraanba waxaa uu si nabad ah uga

de*** garoonka caalamig ah ee Jomo Kenyata, shaqadii ugu horeysay ee uu qabto waxa aheyd soo wicitaanka xaaskiisa, mudo laba bilood ah ayuu joo*** Nairobi.

lasoco Q.3aad hadii alle idmo
 
Logged Logged  
  The administrator has disabled public write access.
Go to top Post Reply
get the latest posts directly to your desktop