Taar-Lafoole PDF Print E-mail
Heeso Qoraal Ah - Heeso Qoraal Ah

Lafoole

Dumarkaba Aduunbaa
iigu dhaga nuglaayoo
aan soo dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
waxad tahey dhakhtaradii
mudo iga dhayeeysoo
waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
inaad dhoofto jeceshahey
gaadhigaa dhakhsanayee
kusidaa ma dheeliyo
uma seexdo dhinacyada

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
iyo dhagaxa dahabka ah
qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
iyo dhool aroor da'ay
dhul xareedi wadhantahey
uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
dhawaan soo bax kugu yidhi
dharaar qudha aduunyada
hanti aad ku dhaqatiyo
ha ka waayin dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo.

Comments
Add New Search
abdirahman  - student   |2010-08-31 09:53:49
i really enjoy lafoles songs. he deserves to called the singer of the
singers............run ahaantii heesiisoo dhami makala dhacaan lafoole oo kawada
helaa siiba heestan.....
Ceynte  - Nolaw man   |2010-08-31 09:19:20
Waxad u qalamata in lagu magacabo fananka ugu wa wacan aduunka sababto hadalada
wey mizaman yihin fananad kale qeyb ayey ka fcn yihin inta kale wa music waxanan
lo jogin nolaw man
hanunniye maxamad   |2010-08-28 21:17:24
woooooow waxad aya fanan lagadaha daman aqyarta ee waa fananka
qudah ayan tagyari laha.ee lafoole hanoladho
ubax  - waaaaaaaaw   |2010-08-28 12:32:14
waaaaaw waxasa fanan la dhahaa
masha allah codbaa kugu dhacaay noloow weliga
aboowe fananka qarniga
Anonymous   |2010-08-19 08:18:14
anigoo lay dhoho baab
indho jaceyl   |2010-08-11 06:19:16
huy waan idin salaamay dhamaan mr lafoole waa fanaan aad odhan karto fanaaninta
wuxuu ka horeeya qarniyo waayo heestu maaha musica ee waaa midhaha so thnks for
trying to keep the culture guys thank all
indho jaceyl  - huy   |2010-08-11 06:16:00
huy guys waan idin salaamay
fajacala   |2010-08-03 01:06:11
sowda salaamullaah sis qaali aamiin kuu nidhi lakin waan kanaxay wallee alla
yarxamu markaad tidhi maxaa yeelay wuxuu u eegyahay wiil kaa dhintay haduuna
dhimana mid kaa tegey labaduba waa murug ilaahay amrkis
mumtaas   |2010-06-27 03:01:52
horta aad iyo aad ayaan kuu salaamayaa fanaanka caanka ah anigoo ku nool dalka
soomaalilan/burco waxaan kuugu hambalyaynayaa codkaaga wanaagsan waa sida uu kor
ku soo sheegayee inanka la baxay wiilka sanadka waxaad tahay runtii fanaan
qaaliya lagamana yaabo an uu jiro fanaan kula tartami karaa markaa khayrbaan kuu
rajaynayaa ok byyyy
Talyani.  - Lafole.katag mesha ayan ku dhihi lahaa. Wax kuma h   |2010-06-20 22:33:22
Lafole danbaq haku dhabee katag mesha wax kuma hayside.
Write comment
Name:
Email:
 
Title:
 
:D:):(:0:shock::confused:8):lol::x:P:oops::cry::evil::twisted:
:roll::wink::!::?::idea::arrow:
 

3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved."